Koobkii Farax Sendiko.

Maanta waxaa la igu sharfay in aan wax ka bixiyo Koobkii Kubbadda ee loogu magac daray Md. Farax Weheliye Cadow Sendiko, oo ey ku tartamayeen Koox ku ciyaareeysay Magacii Jeenyo iyo Kooxda Feynuus.
waa markii Labaad ee la igu sharfo bixinta koob, hore ayaa Jaaliyadda Somalida ee Magaalada Cape Town ee koofurta Africa iigu sharfeen.
Bacdamaa aan la sugeeyn in Lugtii Yaxye Kubbad lagu dhaliyo ayaa leeygu sharfay in aan Gacanta ku bixiyo, waxaa kale oo la i siiyay Abaalmarin Qoorta la ii suray.
weey ku mahadsan yihiin intii soo Abaabushay Ciyaartii iyo intii ka soo qeyb gashay daawashadeeda.
Qore: Yahya Amir.