Xuska 60 guurads 1-da Luuliyo oo lagu qabtay magaalooyinka Sweden

Xaflado aad u balaaran oo lagu maamuusayay 60 sano guuradii ka soo wareegatay xiligii ay xornimada ay ka qaateen gobolada koonfureed iyo israacii gobolada waqooyi iyo koonfurta ayaa caawa waxaa lagu qabtay magaalooyinka kala ah ( Stockholm , Göteborg , Malmö, Örebro, Borläng  ee wadanka Sweden).

Munaasabadaan lagu maamuusayay 1 luulyo waxaa soo qaban qaabshay Ururka Isbaheysiga Umadda Somaliyeed (SRFS) oo xil iska saaray sdii loo weyneen lahaa munaasabadaha sidaan oo kale ah loona muujin lahaa midnimada umadda somaliyeed ayuu Ururuka Isbaheysiga Umadda Somaliyeed wuxuu suurta galshay in munaasabada u dhacado qaab Online ah ( Zoom ) magaalo kasto isku keento tiro dad gaarayo 50 qof.

Ugu horeen waxaa daah furay munaasabada Yonis Khaliif Hassan oo ka mid ahaa masuuliyiinta dalka ururada ku midoobay ee Sweden wuxuuna ka hadlay mudnaanta maalinta 1da luulyo loona muujin lahaa midnimo iyo in laga wada shaqeeyo Somalinimada.

Munaasabadaan waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha guud ee Ururka Isbaheysiga Umadda Somaliyeed Mudane Habane Hassan  , Alfanaan Abdi Baadil ( Acayaa Wadani ) , Abwaan Mustafa Sheikh Elmi , Sanatar Muna Omar Hassan oo ka mid ah sanatarada Aqalka sare Ee Somalia , Alfanaan Abukar Jaajumow, Gudoomiyaha galbeedka jaaliyada Sweden Ahmed Warshiikh iyo dhamaan Gudoomiyaasha Ururda dhamaan magaalooyinka Sweden sidoo kale waxaa munaasabada qeyb ka ahaa Hogaamiyaasha labada mashruuc ee Ururka Isnaheysga Umadda Somalia mashruuca dhalinyarada ee Komppas ( Ilham ) iyo Mashruuca Waalidiinta ( Abdullahi).

Munaasabadaan waxaa hadal qiimo iyo qiiro leh ka jeediyay Mahadi dheere oo ka mid ah jaaliyada Örebro ( Honafrik) wuxuuna umadda somaliyeed kula dardaarmay in ee midoobaan meel kasto ee jogaan midnimadana la xoojiyo.

Gudoomiyhii hore ee haweenka qaranka Maamo Caasho geesdiir oo goobta hadal gaaban ka jeedisay ayaa sheegtay in caawa muhiim gaar ah u tahay umadda somaliyeed meel kasto ee jogaan madaama ee tahay maalinta ee xurnimada qateen gumeestaha umadda somaliyeed taas oo ku timid halgan dheer oo dhiig ku daatay oo umadda somaliyeed galeen gaar ahaan dhalinyaradii Ururuka SYL.

Ugu danbeen waxaa munaasabada soo gunaanaday labada daaci ee dhalinyarada ah saamneeta balaaran ku leh bulshada somaliyeed kana shaqeyo wacayi galinta dhalinyarada waa ( Abuubakar iyo Omar) waxeyna umadda alle ugu baryeen in nabadooda iyo midnimadooda waxeyna bogaadiyeen hoosha wangsan ee Ururka Isbaheysiga Umadda Somaliyeed u haayo bulshada Somaliyeed ee dagan Sweden waxeyna kula dardaarmeen in Ururka uu meeshaas dadaalkiisa ka sii wad.

Waxaan la iloobi karin oo barnaamijka aad iyo aad u suurta galiyey inuu qabsoomo wariyaha Cismaan Goobdoon iyo farsame Yaqaanka dhanka media Maxamed Cawad iyo bahda somaliweyn oo uu hogaamibaayey Xusseen Cabdi Calasow.

Barnaamika oo maqal iyo muuqaal halkan ka Daawada.

WQ Sabir Elmi Yusuf

Xuska Munaasabadda 1da Luuliyo ee Sweden

Xuska Munaasabadda 1da Luuliyo ee Sweden

Posted by Somaliwayn Radio & TV on Wednesday, July 1, 2020