Xildhibaan Somali-Kenyan ah iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegay Somaliland

Wafdigaasi ayaa waxay barqanimadii maanta ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal ee magaalladda Hargeysa.

Xildhibaan Juned Maxamed Sheekh Nuux oo ah Somali-Kenyan ayaana horkacayo Wafdigaasi, kuwaasi oo kulan la qaadanaya Madaxweyne Muuse Biixi iyo qaar ka tirsan Golayaasha iyo Xisbiyada Mucaaradka.

Xildhibaanad Juned Maxamed Sheekh Nuux waxa uu yahay Hoggaamiyaha Xildhibaanadda looga tiro badan yahay Barlamaanka Kenya iyo Xubin ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Orange Democratic Movement (ODM).

Waxa uu Xildhibaan noqday bishii Agost 8-dii ee sanadkii 2018-kii, isagoo laga soo doortay Degmadda Suna East ee Gobalka Migori ee dalka Kenya.

Dhinaca kale, Wafdiga Xildhibaanadda Kenya ee maanta socdalka ku tegay Hargeysa waxay Madaxda Xisbul Xaakimka ee Kulmiye kala hadli doonaan Xoojinta Xiriirka Kenya iyo Somaliland.

Socdaalka Xildhibaanadda Kenyanka waxa uu ku soo aaday, labo isbuuc kadib, Kulankii DFS iyo Maamulka Somaliland ku yeesheen dalka Jabuuti iyo xilli ay Somaliland dardar gelinayso dadaalka ay ugu ololeynayso Ictiraaf Caalami ah.