Wasiirka Arrimaha Dibadda Gambia oo uga digay Baarlamaanka dalkiisa inay u ololeeyaan Aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Gambia Momodu Tangara wuxuu sheegay inay qaar ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaanka dalkaasi ay u ololeynayaan Ictiraaf-raadinta Maamulka Somaliland ee iskooda ugu dhawaaqay Madax-banaanida muddo haatan laga joogo 19-sano.

Wasiirka waxa uu hadalkaasi shalay ka jeediyey Kulan ay Xildhibaanadda dalkaasi ku yeeshaan Xaruntooda Dhexe ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Banjul, oo wax looga weydiiyey Arrimaha la hadal-hayo ee Somaliland.

Qaar ka mid ah Xildhibaano u badan kuwa ka tirsan Xisbiga Midowga Dimuqraadiyada ee UPD waxay Wasiirka weydiiyeen haddii ay Dowladda Gambia horkacayso Ololaha ku aadan in Somaliland loo aqoonsado Dal madax banaan oo ka baxsan Aqoonsiga Dowladda Federalka Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Momodu Tangara waxa uu ka digay inay taasi noqon doonto Mas’uuliyad-darada Dowladda Gambia inay ku lug yeelan doonto Diplomaasiyad Sharci-darro ah.

Wasiirka Waxa uu carrabka ku adkeeyey inay Caalamka aqoonsan yihiin dalka Somalia, isagoo intaasi ku daray in Ururka Midowga Afrika iyo QM labaduba aqoonsadeen DFS.

Wasiir Momodu Tangara waxa uu tilmaamay inay khatar tahay inay Xildhibaanadda u ololeeyaan Diplomaasiyad noocaasi ah, wuxuuna ugu baaqay Xildhibaanadaasi inay ka taxadiraan dadka ay ka hadlayaan iyo inay joojiyaan beec-geynta Ajendaha Aqoonsiga Somaliland.

Xildhibaanad Sediya Jatta oo ka tirsan Barlamaanka dalkaasi waxay Wasiirka weydiisay haddii uu Ururka Midowga Afrika aqoonsaday Somaliland, wuxuuna Wasiirka ku jawaabay “Maya..Maya”.

Waxa kale oo uu tilmaamay inaysan Dowladda Gambia awoodin inay ku dhex milmaan Somaliland, wuxuuna kula taliyey Xildhibaanadda dalkaasi inay marka hore bartaan Arrimaha dalka Somaliland oo ay booqdaan Websaytyada BBC-da ee Luqdaha Englishka iyo Faransiiska, si ay u bartaan Arrimaha Dowladda Somalia, waa sida uu hadalak u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Ilaa iyo haatan ma jiro Dowlad ka tirsan Caalamka oo Somaliland u ictiraafay Dal ka madax banaan Jamhuuriyada Federalka Somalia.