Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland oo heshay kiisas cusub oo la xiriira Covid 19.

Wasaaradda Caafimaadka maamulka Soomaaliland ayaa maanta soo saartay warbixin cusub oo la xiriirta cudurka Coronavirus iyo baaritaanadii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in xanuunka Covid 19 laga helay xanuunka 4-qof,ka dib markii baaritaan lagu saneeyay 33-ruux oo looga shakiyay cudurkaasi.

Qoraalka ayaa lagu xusay in dadka laga helay kiisaskaasi cusub ee Coronavirus –ka ahay kala yihiin 2-ruux oo reer Soomaaliland ah iyo 2 qof oo ajaanib ah .

4-taasi bukaan oo rag ah waxa ay ku kala sugnaayeen magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera,iyadoo da’dooda lagu sheegay sidatan :-

(20jir ilaa 29jir = 1 qof)

(30jir ilaa 39jir = 2 qof)

(40jir ilaa 49jir = 1 qof)