Dowladda Shiinaha ayaa Somaliland uga digtay inay xiriir dublimaasiyadeed la samaysato Taiwan oo ay u aqoonsan tahay qayb ka mid ah dalwaynaha Shiinaha.
Taiwan ayaa sheegtay inay xafiis ka furaneyso magaaladda Hargeysa, caasimada maamulka Somaliland, kadibna safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ka digtay xiriir lala sameeyo Taiwan.
Wada hadal dhex maray wasiirada arimaha Dibada Taiwan iyo Somaliland ayay ku heshiiyeen in midba mid kale u aqoonsado dowlad madax-banaan isla markaana ay isdhaafsadaan wakiilo, baarsaboorka Somaliland lagu tagi karo dalka Taiwan.
China ayaa u aqoonsan Taiwan qeyb kamid ah dhulkeeda, wallow ay madaxbanaani sheegtaaan.
“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha waana wax aan loo dulqaadan karin” ayaa lagu yiri bayaanka inkastoo aysan soo hadal qaadin Magaca Somaliland.