Sanduuqa Horumarinta Afrika oo dalal ay Somaliya ku jirto ugu deeqay Dhaqaale Lacageed

Guddiga Agaasimayaasha ee Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) waxay ansixiyeen  Ballanqaad Lacageed oo wadartooda guud dhan tahay 9.52 million oo Dollar oo lagu xoojinayo Ka-Jawaabista dadaalladda looga hortagayo COVID 19.

Sida lagu soo daabacay Websaytka Khaaska u ah Sanduuqa Horumarinta Afrika ee ADF ayaa lagu xusay in 26-kii bishii June ee la soo dhaafay la ansixiyey Ballan-qaadka Lacageed oo qeyb ka ahaa 10 million oo Dollar ee Ka-hortaga Degdegga ee COVID 19, oo ay Guddiga Doorashooyinka ee Sanduuqa ADF ansixiyeen bishii April ee sanadkan 2020-ka.

Kaalmadaasi waxaa ka faa’ideysan doona dalalka Somalia, Jabuuti, Sudan, Kenya, Ethiopia, Ruwanda, Tanzania, Burundi, Uganda, South Sudan iyo Jesiiradaha Komooros, iyadoo Maalgelintaasi xitaa looga faa’ideysanayo Qalabka Caafimaadka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan Qalabka lagu baaro COVID 19 iyo in la tababaro Shaqaalaha Caafimaadka.

Dhinaca kale, Hadal ka soo baxay Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) waxaa lagu sheegay in Maalgelintaasi loo adeegsanayo Xoojinta Nidaamka Caafimaadka, La-socodka  Warbixinada Cuddurada, Xoojinta Ka-hortaga iyo Kontoroolka Caabuqa iyo Xaqiijinta Wada-xiriirka Gobaleed ee Bulshada ee Bariga Afrika (EAC) iyo Urur-gobaleedka IGAD ee xakamaynta faafista ee ka gudba Xuduudaha.

Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) waxay Xaruntiisa Dhexe ku taallaa Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, waxaana xubno ka ah dalalka Afrikaanka iyo dalal iyo Ururo aan xubno ka ahan Sanduuqaasi.