Maxkamadda Ciiddamada oo dil ku xukuntay Askari horay dad rayid ah ugu dilay Boondheere.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciiddanka Qalabka Sidda waxay maanta Go’aan ka gaartay Dacwad loo haystay Askari ka tirsan Ciiddanka Booliska, kaasi oo labo qof oo rayid ah ku dilay Goob Ganacsi oo ku taalla Isgoyska Ex-Hotel Jubba ee Degmadda Boondheere ee magaalladda Muqdisho.

Askariga oo lagu magacaabo Dable Xasan Aadan Xasan Maxamed waxa lagu soo oogay inuu bishii April 24-dii ee sanadkan si wadajir ah u dilay Marxuumiinta kala ah: Xasan Cali Cadaawe iyo Madiina C/llaahi Cabdi oo umul ahayd.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciiddamada Qalab Sidda, Col.Xasan Nuur Shuute waxa uu maanta soo gebagebeeyey Dhegeysiga Dacwada loo haystay Askariga dilka geystay, kadib, markii la soo bandhigay Caddaymihii iyo qorigii uu ku dilay.

Guddoomiye Shuute waxa uu Eedeysane Dable Xasan Aadan Xasan Maxamed ku xukumay Dil Toogasho, iyadoo Eedeysanaha la siiyey Fursad uu Rafcaan kaga qaadan karo Xukunka Maxkamadda.

Dhegeysiga Dacwadaasi waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah Ehelladda Marxuumiintii uu Askariga ku dilay Isgoyska Ex-Jubba Hotel ee magaalladda Muqdisho.