Maqaal: SICIID DENI OO XAQIRAY HALGAMAYAASHII SOMAALIYEED EE AAN JIFADIISA AHAYN


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni khudbad uu magaalada Gaalkacyo ka jeediyey wuxuu ku xusay mar uu ka hadlayey halgamayaashii dalka ee gobolka mudug marka laga reebo qolada koonfurta Mudug oo uu muraad ka leeyahay maadaama Puntland ay ku Fashilantay dhanka siyaasada wuxuu sheegay magacyada Jifadiisa ragii halgankaas ka qeybqaatay isagoo si bareer ah oo ulakac ah uga tagay ragii waa weynaa ee halgamayaasha ahaa ee gobalka Mudug u dhashay oo uu ugu horeeyo Maxamed Cawaale Liibaan .

Su’aashaase waxay tahay Somaaliyeey geesigii wadaniga ahaa ee ku suntan taariikhda Somaaliyeed ahaana Maskaxdii ay kasoo maaxatay curinta calankeena buluuga ee xidigta cad leh ee aan ku naalooneyno hadaan nahay Umadda Somaaliyeed ma yahay sidey la tahay mid ka qarin kara halgankiisaas Taariikhiga ah ummada Somaaliyeed Madaxweyne Dani isaga laabtiisu sidaas haba jeclaatee wuxuuna inoo yeerinayaa Somaaliyeey magacyada Niman jifadiisa ah marka Maxamed Cawaale Liibaan loo eego.

Waxayse Somaali ka digtoon tahay dadka midabkani leh aysan xukunka sare ee Somaaliyeed ineysan imaan si eex,qaraabokiil,nin jecleysi qaranka Somaaliyeed uga baaqsado.
Shacabka Puntland waxaysan la yaabeyn iney xaqiraan maqaamka Somaali siisay Gobalka Banaadir oo ay dabool saareen sidey hada u doboolayaan Taariikhda halgamayaashii Gobalka Mudug sida Maxamed Cawaale Liibaan.

Liban Cali
qaalid3@hotmail.com