Gacan ku dhiigle South African ah oo horay Muwaadin Soomaali ah u dilay oo la xukumay

Burcad Koonfur Afrikaan ah oo horey u dilay, una gubay maydka Marxuum Soomaali ah ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Polokwane ee caasimadda u ah Gobalka Limpopo ee dalkaasi.

Xeer-beegtida Maxkamadda waxay Gacan-ku-dhiiglaha ku xukuntay Xabsi 37-sano ah, waana Xukunkii ugu muddada dheeraa ee lagu xukumay Dembiile dil u geystay Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.

Muwaadiniinta Soomaalida ku nool dalkaasi waxay soo dhaweeyeen Xukunkaasi, iyadoo la og yahay inaysan Booliska dalkaasi dabagal xooggan ku sameeyeen Burcadda had iyo jeer djhaca hubeysan u geysta Xarumaha Ganacsiga ee Soomaalida.

Gacan-ku-dhiiglaha maanta lagu xukumay Xabsiga 37-da sano waxa uu horey  si arxan-daro ah u dilay Allaha U Naxariistee Marxuum la oran jirey Deeqow oo ka mid ahaa Ganacsatda ku nool dalkaasi.

Gacan-ku-dhiiglaha waxa uu dab qabadsiiyey Maydka Marxuumka, iyadoo falkaasi yahay mid ka baxsan Xuquuqda Asaasiga ee Aadanaha.

Si kastaba ha ahaatee, Booliska dalka Koonfur Afrika waxaa looga baahan yahay inay Baaritaano xooggan ku sameeyaan Burcadda hubeysan ee dhaca iyo dilka u geysta Ganacsatada Soomaalida ee deggan dalkaasi.