Danjire Madeira oo ugu hambalyeeyay dadka iyo dowladda Burundi sannad-guurada 58-aad ee madax-bannaanida dalkaasi.

Muqdisho: -Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Wakiilka Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira, ayaa u hambalyeeyay dadka iyo dowladda Burundi maadaama waddanku xus u yahay sannad-guurada 58-aad ee ah waddan madax-bannaan.

Danjire Madeira ayaa yiri “Waxaan u hambalyeynayaa dadka iyo dowladda Burundi, sida ay ugu dabaaldegeen sannad-guurada 58-aad ee xornimadooda,” ayuu yiri Danjire Madeira.

“Burundi waa saaxib gaar ah u ah dadka Soomaaliyeed. Markii Soomaaliya lagu hayey xasuuqii arxan darrada ahaa ee ururada argaggixisada, Burundi waxay noqotay waddankii labaad ee ku biira AMISOM waxayna tan iyo wixii ka dambeeyay u hureen si ay Soomaaliya u hesho nabad, xasillooni iyo barwaaqo, ayuu raaciyay.

Burundi ayaa markii ugu horreysay ciidan gaysay si ay ugu biirto AMISOM bishii Diseembar 2007dii, oo ay weheliyaan ciidammo ka socda Ugaandha, ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xoreynta Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Iyada oo ah mid ka mid ah ciidammada ugu badan ee ku biiriya howlgalka, Burundi waxay si geesinimo leh ula dagaallameysaa Al Shabaab, oo hubineysa xorriyadda isu socodka dadka iyo alaabada. Waxay muhiim u tahay ilaalinta xarumaha dadweynaha, xarumaha dawladda, kaabayaasha muhiimka ah iyo goobaha xasaasiga ah, iyo sugidda dariiqyada sahayda waaweyn iyo sidoo kale raacida kolonyada iyo gargaarka bini’aadannimo ee dadka baahan.