Tahriibayaal la waayay kadib markii ay ku degtay Dooni ay saarnaayeen Haro ku taalla Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Suleymaan Soylu wuxuu maanta oo Arbaco ah sheegay inay Doonidaasi ku degtay Harada loo yaqaano Van oo ku taalla Gobalka Van ee Bariga dalkaasi.

Wasiirka oo la hadlay Weriyayaasha waxa uu tilmaamay in la rumeysan yahay inay doonidaasi la socdeen 55 ilaa 60 qof oo Tahriibayaal, kuwaasi oo la la’aa tan iyo maalintii Sabtida ee la soo dhaafay oo ku beegnayd 27-kii bishii la soo dhaafay ee June.

Waxa uu intaasi ku daray inay Diyaaradaha Helikoptarada iyo doonyo ka qeyb qaadanayaan baadigoobka Tahriibayaashaasi, iyadoo ay Kooxaha Gurmadka soo heleen maydadka 6 qof oo ka mid ahaa Tahriibayaashii ay doonida la degtay.

Telefishinka HaberTurk waxa uu sheegay in Tahriibayaasha ku geeriyootay dhacdadaasi ay ka soo kala jeedaan dalalka Pakistan, Afganistan iyo Iran.

Hay’adaha Ammaanka ee Turkiga waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 11 qof oo lala xiriirinayo Shilkaasi.

Dhanka kale Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay, 7-qof oo Tahriibayaal ahaa ayaa geeriyootay, halka ay 64 kalena la soo badbaadiyey, kadib, markii ay Dooni kula degtay Harada Van o u dhow Xuduudka Turkiga la wadaago dalka Iran