Ra’yi: 60 sano oo xorriyad maan u dabaaldegnaa mise 60 sano oo fashil ummaddeed ?.

1luuliyo

Labadii gobol ee lixdankii midoowe maanta isma hayaan. Dowlad Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay wadankii kama dhisna. Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa 5 dal ee dunnida ugu faqrisan. Waxaan kaloo kamid nahay 5 dal ee caalamka ugu amniga xun.

Cabsi iyo gaajo meel ay ka jirtana nolol kama jirto. Cabsida iyo gaajada waxaa noo dheer khilaaf siyaadadeed, qabyaalad, heshiis la’aan. 60 sano kadib ummaddii Soomaaliyeed wey kala taagan yihiin, shaki iyo naceyb baa dhexdooda ka jira. Ummad aan wadajirin oo aan isku dan ahaynna qaran ma noqon karaan.

80% Caruurta Soomaaliyeed dugsi waxbarasho ma aadaan. 90% dhalinyaradeena ma haystaan shaqo. Bulsho nafaqa daro haysa ayaannu nahay oo u nugul cuduradda islamarkaana haysan takhaatiir ku filan iyo dhaqaale ay isku daaweyaan.

Waxaan noqoney ummad dhalinyaradooda koonfur iyo waqooyi haysan rajo mustaqbal. Tahriib ku dhamaata. Xeryihii qaxootiga Kenya ee la furey 1991 ilaa iminka dad baa ku qaxa oo ma xirmin sababtu waxey tahay ma jiro dal amni ah oo xasilloon oo lagu soo laaban kara.

Xitaa Soomaalidii Yurub iyo Waqooyiga Ameerika u soo qaxdey baa maanta rajo xumo ku nool. In badan oo kamid ah caruurtooda xabsiyada wadamada galbeedka ayey ka buuxaan. Suuqa Daroogada iibinteeda ayaan kaga badiney dadkii madowga ahaa dalalkaas inoogaga soo horreeyey.

Caruurteennu qurbaha ku dhashey waxey isku dilaa dhexdooda aaggan waa keyga iigaga fogaaw aniga ayey ii xiran tahay oo daroogada ku iibin kara keligey iyo maya oo aniga xitaa waan ku iibin. Aad bey u yar yihiin qoysaska Soomaaliyeed ee guulleystey oo caruurtooda inta ay wax barteen haysta mustaqbal wanaagsan.

Ummaddaha waxeynu nahay ugu badan Yurub oo ilmaha laga qaata. Dowladdaha Galbeedka ee aan u soo qaxney Soomaalida ayaa ugu badan qoysas caruurta laga qaata sababtu waxey tahay waxeynu rabnaa fowdadii iyo nidaam daradii aan Soomaaliya ugu noolleen in Yurub ugu noolaano. Ma barano luqadda dalalka aan nimid iyo sharciyadooda. Keena 10 sanad degan Sweden, Danimark, Norwey, Holland ama Ingariiska weli waa loo turjumaa.

Dal iyo dibad ummad fashilantey beynu nahay. Xorriyad loo dabaal dego ma haysano. Taa bedelkeeda waxaa inagu waajib ah in aan istaagno ummad ahaan oo aan isweydiino maxaa naga qaldan ummad ahaan ?. maxaa burburka iyo fashilka inoo keeney ?. sidee baan ugu bixi karnaa xaalladan liidata ee mudada dheer ku soo jirney ?.

Ilyas Mohamud Hussein