C/raxmaan C/shakuur “Tallaaba walba oo ay qaadeyso dowladda Soomaaliya waa mid ay ka soo minguuriso RW Itoobiya..”

C/raxmaan C/shakuur Warsame Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka qeyb-galay munaasad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee xilligana dalka, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur wuxuu sheegay in tallaaba walba oo ay qaadeyso dowladda Soomaaliya ay tahay mid ay kaga dayato ama ka soo minguuriso Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isaga oo si kaftan ah u yiri” (ABIY AXMED WUXUU XIRAY JAWAAR MAXAMED OO MUCAARADSANAA EE HALEYGA WAR HAAYO).

Cabdiraxmaan Cabdhi Shakuur oo ka hadlayay ansixintii Golaha Shacabka ee Gobolka Banaadir uu Xubno ku yeesho Aqalka Sare, ayaa wuxuu sheegay intaasi ay tahay mid dadka lagu jahwareerinayo,hayeeshee Muqdisho ay u baahan tahay Matalaad iyo maqaam isla socota.

Arrimaha la xiriira Maqaamka Gobolka Banaadir ayuu sheegay inay ka mid aheyd waxyaabihii loo eryay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, xilli uu waday shirar maqaam gaar ah loogu sameynayo Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa khudbadda uu ka jeediyay munaasad uu soo qaban qaabiyay Xisbigiisa waxaa uu eed kala dul-dhacay Madaxda Sare e dalka oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed Madaxa isu gelinayaan.