Shirweyne lagu heshiisiinayo beelaha Daga Galbeedka Mudug oo lagu qabtay Goldogob

Muqdisho:-Wajigii Labaad Shirweynaha Dib Uheshiisinta Beelaha Daga Galbeedka Gobalka Mudug oo ka Furmay Degmada Goldogob ayaa Waxaa Ka Qeyb Galay Masuuliyiin Ka Kala Socatay Dowlad Gobaleedyada Galmudug Iyo Puntaland Xildhibaano Ka Socaday Laba Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Siyaasiin Waxgarad Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Beelaha Colaadu Ka Dhax Jiraty.

Furitaanka Shirweynaha Ayaa Waxaa Ugu Horeyn Ka Hadlay Gudoomiyayaasha Gobalak Mudug Ee Puntland Iyo Galmudug Cabdi Ladiif Muuse Nuur Iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal Waxaana Ay Bogaadiyeen Dadaalada Dib U Heshiisiinta Ee Ka Socanaya Gobalka Mudug.

Maymuun Cali Nuur Oo Ku Hadleysa Magaca Haweenka Kulanka Ka Qeyb Galay Ayaa Iyana Ka Hadashay Saameeynta Colaaduhu Ee Ay Ku Yeesheen Hooyooyinka Soomaaliyeed Ee Ku Nool Gobalka Mudug.

Ugu Danbeyna Waxaa Furitaanka Shirweynahaan Oo Socoan Doona Muddo Dhowr Maalmood Ah Ka Hadlay Wasiirka Wasaarada Tamarta Iyo Biyaha Galmudug Maxamuud Kaarshe Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.