Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay munaasabad ku aaddan Toddobaadka xorriyadda+Sawirro

Muqdisho:-Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabtay Munaasabad lagu weyneynayo Todobaadka xorriyadda Dalka.

Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Maxamed Cabdoow Xaaji ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay maamuuska ay u samaynayaan 60 guuradii kasoo wareegtay xornimada Soomaaliya, isla markaana ay yihiin Guddi ka da’weyn madax bannaanida Dalka.

Guddoomiyehii hore ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, C/qaadir Gacal Abkoow, ayaa sheegay in ay asaaskii Guddiga 1959-kii ay la jaanqaadeen Dowladdii daaqiliga, iyagoo ahaa Dhallinyaro isku duuban una hanweyn in ay helaan xornimo la mid ah tan caalamka, wuxuuna da’yarta maanta ka codsaday inay ku daydaan.