Ciidanka xoogga Dalka oo Al-Shabaab ka saaray degaanno ka tirsan Jubbada hoose.

Muqdisho:-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay gelinkii dambe ee shalay Argagixisada Al-Shabaab ka fara maroojiyeen Tuulooyinka Janaay Cabdalla,Helishiid, Mayoonde iyo Garas-cebe.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Ciidanka XDS G/le, Xasan Aadan Ciraaqi oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay Kooxda Argagixisadu isaga carartay Tuulooyinka ay howlgalka ka sameeyeen, haatanna ay kusii jeedaan degaano kale.

Taliyaha ayaa xusay inay kordhiyeen howl-gallada qorsheysan ee ay ku baacsanayaan horjoogayaasha iyo Malleeshiyaadka Al-Shabaab kana saaraan guud ahaanba degaannada Jubbooyinka.