Jamhuuriyadda Jabuuti oo maanta u dabbaal-dageysa 43-sano guurada ka soo wareegtay markii ay ka xuroobeen Gumeystihii Faransiiska.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta u dabbaal-dageysa 43-sano guurada ka soo wareegtay markii ay xornimo ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska oo muddo isticmaarsanayay dadka dalkaas.

Sanad waliba Jabuuti 27-ka June waxay maamuustaa maalintaan, waxaana munaasabado kala duwan oo lagu muujinayo xornimada Jamhuuriyaddaan ay ku qabataa Gudaha dalkaas iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay Ciidamo kaga sugan yihiin.

Fariin uu maalintaan kaga hadlayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu shacabka kula dardaarmay inay ku dadaalaan ilaalinta madax banaanida oo loo soo maray halganka dheer.

Madaxweyne Geelle ayaa shacabka u rajeeyay inuu Alle ka badbaadiyo cudurka Covid-19 oo kiisas ka mid ah Jamhuuriyadda Jabuuti horay looga helay, isaga oo tilmaamay in sanadkaan uu kaga duwan yahay sanadihii hore.

Geelle wuxuu guddoomay hambalyo ku saabsan 27-ka June oo ku beegan markii xornimada ay heshay jamhuuriyadda Jabuuti 1977-dii oo maanta laga laga joogo 43-sano, dhambaalada waxay kaga kala yimaadeen dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Dhanka kale Jabuuti ciidamo ka socda oo xiran Koofida Cagaaran ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ayaa ka joogo Soomaaliya, munaasabad lagu muujinayo madax banaanidooda ayay sanad waliba ku qabtaan Gobolka Hiiraan.