Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gaba-gabeynaya dhameystirka Xeerka Matalaadda G/Banaadir.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka dooday xeerka matalaadda Gobolka Banaadir waxay maanta soo gaba-gabeynayaan dooddaas, iyaga oo cod gelinaya si loo ansixiyo ama loo diido.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in waqti hore ay xaadiraan Xarunta Villa Hargeysa oo ay si KMG ah uga shiraan.

Saacadda u qoran in fadhiga Baarlamaanka uu furmo ee 9-ka Subaxnimo ayuu ka dalbaday Mudanayaasha inay ku tagaan Xarunta si loo furo kulanka maanta oo dood iyo codeyn isugu jira.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu fariin u diray Xildhibaannada ku sugan Magaalada Muqdisho ee cudur-daar la’aanta ka maqan fadhiga Golaha, waxaana uu ka dalbaday inay u hoggaansamaan xeer hoosaadka u yaalla.

Dhanka kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxay si xiriir ah u shaqeeyeen Lix maalmood, waxay kaga doodeen xeerka matalaadda kuraasta Gobolada Waqooyi oo ay ansixiyeen iyo kan Gobolka Banaadir oo maanta lagu wado in ay cod geliyaan.