RW. Khayre iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe 00 safardeg deg ah ugu ambabaxay dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre iyo wafdi la socday oo maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa u safrtay Dalka Qadar.

Socdaalka waxaa ku wehliya xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka, sida qorshuhu yahay, waxa ay la kulmayaan mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Dooxa oo Casumaadda siiyay.

Warar ay Mustaqbal ay heshay ayaa sheegaya in Mashaariic iyo lacago loo qoondeeyay Dowladda Soomaaliya inay u ambabaxeen wafdiga ka socda Xukuumadda Soomaaliya ee Qadar u safray.

Socdaalkaan ayaa yimid kamid markii xiriir telefoon oo dhexmaray Madaxweynaha DFS iyo Amiirka Dalka Qadar oo kala dhaxeeya Xiriir wanaagsan oo waayihii dambe kordheen safarada Madaxda Dowladda ay ku tagayaan dalkaas.

Warbaahinta Qadar oo warar ka qoray xiriirka labada mas’uul ee ugu sareyso Xukuumadaha Dooxa iyo Muqdisho waxa ay sheegeen in ay diiradda saareen Xaaladda Geedi socodka, Horumarka iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dal.

Dowladda Qadar ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, waana tan keentay in waxyaabo badan lagu xagliyo, waxa ay DFS ka gacansiisaa Gargaarka Bani aadamnimo, Adeegyada Caafimaadka, lacagaha taakulada ah, mashaariicda iyo kuwo kale.