Maxay ka wada hadlayaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo ku kulmaya Gaalkacyo?.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ku kumay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiiro ka kala tirsan labada Maamul Goboleed.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ugu horeyn waxa ay iska xog wareysteen is aragooda ugu horeeyay, xili labada dhinac Wasiiro ka kala socda horay ay ugu kulmeen Gaalkacyo.

Intaa kadib, waxa ay guda galeen gunta wada hadalkooda oo ah sugidda Amniga Magaalada Gaalkacyo oo koofurta iyo Waqooyiga ay kala maamulaan labada Maamul, la dagaalanka Al-Shabaab, Wax ka qabashada isku dhacyada ay ku lugta leeyihiin maleeshiyaad iyo qodobo kale.

Labada madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa si hordhac ah isla gartay wax ka qabashada Maleeshiyaadka hubeysan ee sababa isku dhacyada Ciidamada iyo beelaha Galmudug iyo Puntland.

Madaxweyne Qoor-Qoor waxa uu dhiggiisa Deni la wadaagay xog ku saabsan isbadal dhanka Amniga Koofurta Gaalkacyo, kadib markii ay xareeyeen maleeshiyaadkii ku sugnaa Magaalada, halka goobihii ay joogeen la dhigay Ciidamo Booliis ah.

Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa goobjoog ka ahaa kulan lagu heshiisiiyay labo Maleeshiyo beeleed oo labada dhinac ka soo kala jeedaan.