Kumaandoska Danab oo Baaris ka sameeyay Deegaanno ka mid ah Gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgalo baaris ah ka sameeyay deegaanno dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose oo qaarkood ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada DFS waxa ay ku warrameen in Askarta Danab ay tageen deegaanada kala ah: Shaam, Yuumbis Nuur-Garre, Buulo-bashiir, Mubaarak, Toora-tooroow iyo kuwo kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa ay tilmaameen inay ku burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ay leeyihiin, islamarkaana ay hub ka soo furteen dagaalyahano ku sugnaa deegaannada ay tageen Ciidamada Danab sida ay hadalka u dhigeen.

Howlgalka ayaa bilawday Xalay saq dhexe, Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa tagay deegaannada bartilmaameedka u ahaa oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxa uu soo gaaray barqonimadii maanta.

Dadka deegaanada qaar ku sugan waxay sheegeen inay maqlayeen Rasaas aysan gareyn cidda ridaysay iyo waxyeelada ka dhalatay, iyaga oo xusay in ay ku sugnaayeen Guryahooda inta Ciidamada ay halkaa ku sugnaayeen.

Al-Shabaab wali kama aysan hadlin howlgaladaan ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay guullo ka sheegteen Saraakiisha Ciidamada Militariga DFS gaar ahaan Danab.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda ayaa labadii cishe ee lasoo dhaafay waxa ay howlgalo ka wadeen deegaanno dhaca duleedka Magaalada Marka, iyaga oo gacanta ku dhigay Gandarshe iyo Jilib Marka.