Xasan Muudeey :- ”Puntland iyo Jubaland waxey dhib u arkaan helidda matalaadda Muqdisho…”

Siyaasiga Xasan Cabdulqaadir Muudeey ayaa shaki wayn kamuujiyay war-murtiyeedyo kasoo kala baxay dowlaad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Xasan Muudeey ayaa labada maamul ujeediyay in ay cadeeyaan mowqifkooda kaga aaddan helidda matalaadda ree Muqdisho iyo maqaamka ay xaqqa u leeyihiin, isagoo sidoo kale sheegay in uu ku taageersan yahay kaliya go’aanka ay ku taageereen gudoomiyaha aqlaka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Muudeey ayaa bartiisa kusoo daabacay sidaan :-

“Bayaannada kasoo kala baxay Jubaland iyo Puntland marka laga soo tago go’aanka ay ku taageereen gudooniyaha aqlaka sare Md Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay raaciyeen in lajoojiyo xeerarka xasaasiga ah ee ugu horreeyo mataaladda ay yeelanayso Muqdisho iyo maqaamkeeda.

Waxaan u arkaa in ay labadaa dowlad goboleed ay dhibsanayaan helidda xuquuqda ree Muqdisho oo ah mid lama taabtaan ah.

Waxaan kaga aragti ahay taageeriddooda gudoonka golaha Sare iyo in aan lajabin shuruucda qaanuuniga ah ee Kmg.

Waxaan jeclaaan lahaa in ay cadeeyaan mowqifkooda kaga aaddan helidda maqaam ay leeyihiin dadka kasoo jeeda Muqdisho.

Kuma raaci doonno in bayaanno ay ku hoos qarsan yihiin in laxagal daaciyo dadaallada guusha u dhaw ee ree Muqdisho kasugayaan labada gole.

Waxaa markasta muhiim ah in aan iska kaashanno cadaaladda federaaliisamka iyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan sinnaan ku salaysan habka uu federaalku yahay.

Shacabka Banaadir waa shacabka kaliya ee garowsaday in canshuurta dekadda Boosaaso kasoo xaroota lagu hormariyo Puntland iyo tan dekadda kismaayana sidoo kale lagu hormariyo Jubbaland.

Waxey shacabka banaadir sanooyinkii lasoo dhaafay ahaayeen kuwa dulman,kuna dulqaadanayay hannaanka wada jirka umadda Soomaaliyeed ee bur-burkii kadib kala aamin baxay,waxeyna sugayeen in loo qiro,lana siiyo xuquuqdooda deegaaneed.

Muqdisho waa caasimadda dalka,banaadirsa waxey lamid tahay Puntland sida ay maanta ree Puntland ugu qanacsan yihiin maamulka uga dhisan deegaannadooda.

Hassan Abdulkhader Mudey.