Soomaaliya oo Iiraan ku eedeysay inay Kaluumaysi Sharci daro ah ka wado Badeeda.

Wasaarada Kaluumeysiga Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in inta u dhaxeysay janaayo 2020 iyo 14 april 2020,Maraakiib ay si sharci daro ah ugu kaluumeysteen Biyaha Soomaaliya.

Wasaarada ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in maraakiibtaas ay tiradooda gaareyso 112 Maraakiib kuwaas oo Biyaha Soomaaliya si sharci daro ah Kaluumeysi ugu sameeyey.

Warsaxaafadeedka wasaarada Kaluumeysiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maraakiibtan ay siteen Calanka Jamhuuriyada Iran, kadib baaritaano iyo dabagal ay ku sameeyeen maraakiibtaasna ay ku ogaadeen.

Wasaarada Waxaa ay sheegtay in Maraakiibtaas sidoo kale ay jiraan Kuwa la garan waaye “balse waxaa jira kuwa kale oo aysan soo qaban aaalada casriga ee dabagalka maraakiibta”.

Sidoo kale Wasaaradda waxay sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya, isla markaana tallaabo ka qaadi doonaan.

Warsaxaafeedka Hoos ka aqriso:-