Puntland oo qaadacday Sharciga Doorashada dalka, kana digtay inuu dhaco Xukun Maroorsi

War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inay qaadaceen Sharciga Doorashadda ee uu Madaxweyne Farmaajo saxiixay bishii Feberaayo ee sanadkan, waxayna ka digeen in Sharuucda dalka lagu saleeyo Damac Gaar iyo Rabitaanka Madaxda dalka, waa sida hadalka loo dhigay.

Puntland waxay kaloo walaac ka muujisay Khilaafka Siyaasadeed ee taagan iyo Arrimaha Doorashooyinka, waxayna ku baaqday inaan la marin Habraacyo liddi ku ah Dastuurka Ku-meel-gaarka ee dalka.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa lagu soo hadal-qaaday Kulankii Madaxda DFS iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada ee bishan 22-dii ku yeesheen Aaladda Maqal-Araga ee Zoom-ka, kaasi oo ay labada dhinac ku heshiiyeen in la joojiyo Doodaha Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS ee Arrimaha Sharciga Doorashada.

War-saxaafadeedka waxay Puntland ku xustay inay bogaadinayaan Dadaalada uu Guddoomiyaha Aqalka Saree e BFS ku doonayo inay Madaxda DFS iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada isugu yimaadaan Shir Wada-Tashi oo looga arrinsanayo Arrimaha Doorashooyinka Qaranka ee 2020-ka iyo 2021-ka.

War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa uu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay inay qaadaan Go’aan kasta oo uu Dastuurka Puntland oggol yahay haddii ay sii calowsanaato Xal-u-helida Arrimaha Siyaasadda ee murugsan ee Wada-tashigooda loo ballansan yahay, isla markaana ay Madaxda DFS ka waantoobi waayaan Maroorsiga Talada ee Mustaqbalka dalka iyo Hareer-marida Dastuurka, waa sida hadalka loo dhigay.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland: