Madaxweynaha Eritrea oo booqanayo Sudan iyo Dalal kale.

Madaxweyne Isayas Afeworki waxa uu Booqasho 3 maalmood ah oo uu ku tegay caasimadda dalkaasi ee Khartoum, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyey Madaxa Golaha haya Talada dalkaasi, Jeneral C/fataax Alburhaani iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda dalakasi.

Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA ayaa sheegtay inuu Madaxweynaha Eritrea uu Kulamo la qaadan doono Jeneral C/fataax Alburhaani iyo Ku-xigeenkiisa, Jeneral Maxamed Xamdaan Daqlo iyo Ra’isul-wasaare Cabdalla Xamduuk.

Ajendayaasha ay Labada dhinac ka wada hadli doonaan waxaa ugu muhiimsan  Xiriirka iyo Iskaashiga u dhexeeya labada Waddan, Amniga, Arrimaha Gobalka iyo Muranka Sudan iyo Ethiopia.

Ilo-wareedyo ayaa waxay sheegeen inuu Madaxweyne Isayas Afeworki kala hadli doono Madaxda dalka Suudaan Muranka Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia oo xiisad adag ka dhaliyey Gobalka.

Dowladaha Sudan iyo Masar oo isku dhinac ah waxay ka soo horjeedaan Qorshaha Dowladda Ethiopia ee ay ku yaraynayso Saamiga Biyaha ee ay ka heli jireen Webiga Niil ee ka soo faruurma dalka Ethiopia.

Dowladda Masar waxay Golaha Ammaanka ee QM u gudbiyeen Ashtako ka dhan ah Dowladda Ethiopia, halka ay Dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta taageereen Mowqifka Masar iyo Sudan ka taagan yihiin Muranka Webiga Niil, inkastoo dalalak Somalia iyo Jabuuti oo loo xaglinayo dhinaca Ethiopia ay ka gaabsadeen Mowqifka Mideysan ee Carbeed ka qaateen Khilaafkaasi.