Maamulka Jubbaland oo ku baaqday in la joojiyo Doodaha u socda Xildhibaanadda Baarlamaanka.

Madaxtooyadda Dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa soo saartay War Saxaafadeed ka kooban 3 Qoddob oo looga hadlay Khilaafka ka dhashay Doodaha Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS kaga arrinsanayaan Xeerarka Doorashooyinka Qaranka.

Jubbaland waxay ugu baaqday Golaha Shacabka in la hakiyo Akhriska, Ka-doodista iyo U-Codeynta dhamaan Xeerarka saamaynta ku yeelan kara Nidaamka Doorashooyinka Federalka ee sanadaha 2020-ka iyo 2021-ka.

War Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad-gobaleedka Jubbaland waxaa lagu taageeray Qoraalkii uu Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS, Cabdi Xaashi C/llaahi shalay soo saaray ee ku saabsanaa inuusan Xeerarka Doorashooyinka ee loo gudbiyey  Xildhibaanadda Golaha Shacabka ahayn Nuqulkii Rasmiga ee ay Labada Gole ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee BFS sida wadajirka u soo gubiyeen.

Dhinaca kale, Dowlad-gobaleedka Jubbaland waxay sheegtay inaysan aqbali dooni, qeybna ka noqon doonin Fulinta Sharci oo aan ku imaanin Wada-tashi iyo Xal Siyaasadeed oo ay wada gaaraan DFS iyo Dowlad-gobaleedyada.

Halkan hoose  ka akhriso War-saxaafadeedka:-