Haweeney xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Haweeney magaceeda lagu sheegay Xamdi C/llaahi ayaa xalay lagu dilay Wadada hormarta Wershadii hore ee Caanaha ee Degmadda Hodan ee magaalladda Muqdsiho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay saxaafadda in Askari ka tirsan Ciiddanka Dowladda uu rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay la socotay Haweeneyda oo ay rasaas kaga dhacday Madaxa.

Haweeneyda la dilay ayaa la sheegay inay Rug lagu qurxiyo Dumarka ay ku lahayd Wadada Maka Al-mukarama, sida ay sheegeen dad aqoon u lahaa Marxuumadda.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inuu baxsaday Askarigii dilka geystay,mana jirto wax war ah oo ay Taliska Boliska ka soo saareen dilka Haweenaydaasi.

Dhanka kale waayadan dambe waxaa magaalladda Muqdsiho ku soo badanaya dilalka ay Ciiddanka u geystaan dadka rayidka, iyadoo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan loo dilay dad Muruq-maal iska ahaa.