Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo sheegay in howlgal lagu soo qabtay Xubno Shabaab ah laga sameeyay Sh/Hoose.

Markii Ciidamada kummaandooska Soomaaliya ee Danab iyo Gor-gor ay Al-Shabaab ka saareen degaannada Jilib Marko iyo Gendershe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxay billaabeen howlgallo baaritaanno ah oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degaaannadaasi ay la areegeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa waxay sheegeen inay howlgalka ku soo qabteen rag lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin Al-shabaab kuwaasi oo haatan ay ku socdaan baaritaanno lagu kala saarayo

Dhanka kaleDeegaannada Jilib Marko iyo Gendershe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa dhowr jeer waxaa la wareegay Ciidamada Dowladda Soomaaliya,hayeeshee ay dib ula wareegeen Al-Shabaab,sidoo kale maalin ka hor ayay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.