NABADOONIMADU WAA MASUULIYAD WEYN.

Qofka nabadoonka noqonaya waxaa lagu xulan jirey , Caqli iyo garasho ay u dheertahay karti iyo waayo aragnimo oo uu yahay qof wax badan u soo joogay kaas oo da,diisa ay u saamaxeyso iyada oo la eegayo inta uu ogyahay.
Nabadoonimadu waa masuuliyad weyn oo u baahan in Ninka laga dhigayo uu wax badan ka yaqaano xeerarka, dhaqanka iyo taariikhda beelaha Soomaaliyeed islamarkaana uu yahay qof degan oo xalin kara khilaafyada iyo dhibaatooyinka ka dhex abuurma beesha dhexdeeda iyo beelaha kale ee ay dariska yihiin kaas oo dadka uu matalana ay raali kawada noqdaan.
Nabadoonku waa in uu ahaado qof mug iyo miisaan leh oo dadku aad u ixtiraamaan kaas oo wax badan u soo joogay gole ka hadalka iyo geed fariisiga lagu xalinayo dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ah.
Sidaa darteed waa in qofka noqonaya ee loo dhiibayo usha nabadoonka uu yahay mid xambaari kara masuuliyada intaas la eg oo ah mid howlo badan oo u baahan dulqaad iyo cadaalad in uu ku sifoobo isaga oo aan u kala eexaneyn dadka uu xalinayo khilaafkooda ama dhibta kala tirsanaya
WQ:Mohamed Farah Duurgal.