Maamulka Somaliland oo qaadaya xayiraadihii Covid-19.

Maamulka Somaliland ayaa ku dhowaaqay go’aano dib loogu fasaxayo dhammaan xayiraadihii loogaga hortagayay cudurka safmarka ah ee Covid-19 sida ay shaaciyeen guddiga ka hortaga iyo xakamaynta Coronavirus u qaabilsan Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay inay fasaxeen duulimaadyadii, Waxbarashadii, Ciyaarihii dhalinyarada iyo weliba huteelada waaweyn ee hore loogu xirey sababo la xiriira cudurka Covid-19.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay in qof kasta oo ka soo degaya garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa looga baahan yahay inuu haysto waraaq cadeynaysa inuusan qabin cudurka safmarka ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay in qaadista xayiraadahan ay si toos ah u dhaqan gali doonaan 30-ka bishan June 2020.

Si kasta ha ahaatee xayiraadahan ayaa la qaaday iyadoo weli laga soo sheegayo magaalada Hargeysa inuu ka jiro cudurka Covid-19.

Inta badan deegaanada Soomaalidu degto oo markii hore la xiray garoomada diyaaraha, Goobaha waxbarashada, hoteelada iyo goobaha kale ee bulshadu iskugu timaado ayaa hada waxaa muuqda in ay dib u furmayaan.

Dhankakale Cudurka faafa ee coronavirus ayaa ku faafay ugu yaraan 188 waddan oo caalamka ah iyadoo tirada guud ee dhimashada fayraska ay kor u dhaaftey 469,000.