Dowladda Maraykanka oo soo dhaweesay Dhismaha Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Somalia

Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Donald Yukio Yamamoto wuxuu bogaadiyey Tallaabada lagu dhisay Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Somalia.

Hadal-qoraal oo lagu soo daabacay Barta Twitter-ka ee Safaaradda Maraykanka ku leedahay Somalia ayaa waxaa kaloo lagu soo dhaweeyey Maareeyaha Cusub ee Hay’adda Duullimaadyada Rayidka, Axmed Macallim Xasan.

Qoraalka Safaaradda Maraykanka waxaa kaloo lagu xusay inay diyaar u yihiin inay Maareeyaha Cusub ee Hay’addaasi kala shaqeeyaan Hagaajinta iyo Horumarinta ee Waaxda Gaadiidka Hawada ee Somalia.

Dhowr maalmood ka hor ayuu Madaxweyne Farmaajo wuxuu qalinka ku duugay Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Somalia, wuxuuna Maareeyaha Guud ee Hay’addaasi u magacaabay Axmed Macallim Xasan oo horey u ahaa Ku-simaha Maareeyaha Hay’addaasi, tan iyo sanadkii 2018-kii.