Wadahadal dhexmaray Guddoonka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashooyinka.

Guddoonka Golaha Shacabka BFS, Guddiyada diyaarinta Xeerka dhameystirka Doorashooyinka iyo GDMQ ayaa kulan gaar ah oo aan horay loosii shaacin ku yeeshay xarunta kmg ah ee golaha shacabaka (Villa Hargeysa)

Kulanka oo Xubno katirsan Guddiyada Joogtada ee Golaha Shacabka joogeen ayay dhinacyadu uga doodeen doorashooyinka 20/21Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Mustaqbal in ujeeddada kulanku ahayd sida loo wahajayo go’aanka wadajirka ah ee kasoo baxay kulankii Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyadu yeesheen kaas oo ay ka soo baxday in la joojiyo guud ahaanba howlaha la xiriira doorashada ee ay wadaan guddiyada Baarlamaanku inta ay heshiis siyaasadeed oo rasmi ah uga wada gaarayaan DFS & Dowladaha xubnaha ka ah.

Dowlad-goboleedyada qaarkood ayaa si adag uga horyimid habsocodka doorashooyinka 20/21 iyaga oo shaaciyey in aysan aqoonsan doonin natiijo walba oo ka soo baxda guddiyada ay sheegeen in aysan talo ku lahayn, waxaa DG ugu horreeya Puntland.

Haddaba haddii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinku soo gudbin waayo qorshaha qabsoomidda doorashooyinka ama uu ku dhawaaqo in uusan qaban karin doorasho qof iyo cod Baarlamaanku si wadajir ah ma u gaari karaa go’aan?