Soomaaliya, Jabuuti iyo Qatar oo Ku mucaaraday qorshaha ururka Jaamacadda Carabta Masar ee biyo xareenka Itoobiya


Jamhuuriyada Jabuuti, Soomaaliya iyo waddanka Qatar ayaa Ku mucaaraday ururka Jaamacadda Carabta ee arinta Masar oo dooneysay in lagu raaco aragtideeda.

Ururka Jaamacadda Carabta oo Shir degdeg ah maanta qabatay Waxyaabaha oo looga hadlaayey arinta ku saabsan biyo xareenka korontada laga dhalinaayo ee Itoobiya iyo arinta Libiya iyo Masar oo laga dheeraado.

Wadamadda Jamhuuriyada Soomaaliya, Jamhuuriyada Jabuuti iyo dowladda Qadar iyo xubnaha ururka ayaa ka horyimid in loo hogaansanaado qorshaha ururka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeraayo wadanka Masar ee Ku aadan biyo xireenka Itoobiya.

Isla waqtigaas, safiir Ku xigeenka Koofurta Sudan ee Itoobiya David Ding ayaa muujiyey welwelka uu ka Qabo dacwada ay mar labaad Masar u gudbisay Qaramadda Midowday arinta GERD ee biyo xareenka Itoobiya.