Golaha Ammaanka oo Muddo kordhin u sameeyay Xafiiskiisa Soomaaliya ee UNSOM.

Golaha Ammaanka ayaa fadhi gaar ah uu ku qabsoomay aallada fogaan aragga (Video Conference) waxa ay kaga hadleen muddo kordhinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo UNSOM.

15-Xubnood ee Golaha oo 10-kamid ah ay yihiin kuraasta wareegga ee doorashada loo galo 5-ta joogtada ah ayaa u codeeyay qaraar tirsigiisu yahay 2527 (2020), taas oo ogolaaneysa kordhinta waqtiga xafiiskaan 2158 (2014).

Golaha ammaanka waxa ay sanadkiiba mar kordhiyaan muddo uu shaqeynayo Xafiiskiisa Caawinta iyo fulinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu ku shaqeeyo ergay u gaar ah iyo ku xigeenkiisa.

Muddo xileedka uu shaqada sii wadi doono xafiiska UNSOM waa ilaa 31-ka August, waxaana qorshuhu uu yahay in Golohu markale uu ka fadhiisan doono marka ay dhamaato muddo kordhintaan kooban.

Qaramada Midoobay Xafiiskeeda Soomaaliya waxa uu si gaar ah ula socdaa dhaq-dhaqaaqyada gudaha, siyaasadda, Geedi socodka, Doorashooyinka iyo dhammaan howlaha uu wakiilka uga yahay Xoghayaha guud ee Golahaas.