Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxii ka dhacay xarunta Turkisom ee Muqdisho.

Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta waxaa uu ka dhacay saldhiga Ciidamada Militariga Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee la yiraahdo TURKISOM halkaas oo lagu tababaro Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yusuf Raage ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay toogteen ninka naftii haliga ah oo ay ka shakiyeen markii u hoggaansami waayay awaamiirta ciidamada ilaalada Saldhigga.

“Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri Gen Odaywaa.

Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho waa goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo waxaana lagu tababaraa Ciidamada Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Milateri.