Dallada SONSA oo ka walaacsan in Baarlamaanka ansixiyo qodobada sharciga doorashooyinka.

Dallada Jilayaasha Aan Dowliga Ahayn ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA kuna mideysanyihiin ururada bulshada rayidka, ganacsata iyo xirfadleyda, waxay walaac xoogan ka muujineysa in fadhiga golaha shacabka si degdeg ah u ansixinayaan qodobo ka mid ah sharciga doorashooyinka oo weli dood badan ka taagan tahay iyo iyadoo qilaafka siyaasada ee hareereyey nidaamka doorashooyinka aan weli xal laga gaarin.

Iyadoo ay jirtay iskudayo la doonayo in xal laga gaaro qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada federalka iyo qaar ka mid ah maamul gobaleddyada, ayaa hadane waxaa nasiib daro ah in golaha shacabka ay ansixin degdeg ah ku fuliyaan qodobada ay dooda adag ka taagan kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Qoondada Dumarka ee ah 3070.
  • Nidaamka Doorasho Degaanka iyo halka la dhigayo kursiga.
  • Matalaada gobalka Banaadir.
  • Arinta Somali Land.

Hadaba dallada bulshada rayidka ee SONSA waxa ay gudoonka labada aqal ugu baaaqeysa in sharciyada qodobada kor ku xusan si taxadar ah looga fiirsado talooyinka ay ka soo jeediyeen guddigii 100 xilsaarey isla markaasna ay muujiyaan mas’uuliyada kaga aadan xal u helida qilaafyada siyaasadeed ee ku horgudban doorashada la filaayo in ay dhacdo 2020-2021.

Bulshada Rayidka waxa ay markasta ku dadaaleysa iin xal siyaasadeed laga gaaro qilaafadka siyaasadeed ee caqad ku noqdey howlo badan oo la xiriira nidaamka doorashooyinka iyo dhameystirka qabyo qoraaledka dastuurka dalka.

Ugu danbeyntii Dallada SONSA waxa ay ku baaqeysa in sida ugu dhaqsiyaha badan 100 qabto shirka wadatashiga ee saamileyda siyaasada six al degdeg ah looga gaaro qilaafka siyaasadeed.