Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo baaritaanno ah ka wada deegaanadi ay shalay la wareegeen.

Muqdisho:-Kadib markii shalay ciidamada kummaandooska Xoogga dalka ee Danab iyo Gor-gor ay maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ka saareen degaannada Jilib Marko iyo Gendershe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxay billaabeen howlgallo baaritaanno ah oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degaaannadaasi islamarkaasna ay ku baadi goobayaan maleeshiyaadka Ku dhuumaaleeysanaya.


Ciidanka ayaa waxay howlgalka kusoo qabteen rag lala xiriirinayo inay katirsanyihiin maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab kuwaasi oo haatan ay ku socdaan baaritaanno lagu kala saarayo sida uu kusoo waramayo wariyaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida Maxamed Cabdulaahi Shilaawe oo ku sugan deegaanka Gendershe ee gobolka shabeellaha hoose.