Ciidamada Danab oo isku ballaarinaya Deegaanada Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor DFS oo howlgal qorsheysan Saacadihii lasoo dhaafay sameeyay ku qabsaday Deegaannada Gandarshe iyo Jilib Marka oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Deegaannadaan waxaa gacanta ku hayay Al-Shabaab, balse saraakiisha Ciidamada Dowladda waa ay ka qabsadeen sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda oo qayb ka ah howlgalkaas.

Al-Shabaab kol hore waxay gacanta ku dhigeen deegaanadaan, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo halkaa saldhigyo ka sameystay marar kala duwan weerar lagu qaaday.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda waxay sheegeen in howlgalkooda ay ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab oo aysan sheegin inta ay gaarsiisan yihiin, darajadooda, sidoo kale ma aysan shaacin haddii ay jirto waxyeelo dhankooda gaartay.

Dhanka kale ma jiro war ka soo baxay Maamulka Shabeelaha Hoose iyo Al-Shabaab oo ay kaga hadlayaan howlgalka Ciidamada Danab iyo Gorgor oo waayihii dambe waday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay isugu fidinayaan deegaanno Muqdisho kaga jiheysan Koofurta.