Waxaa la yiri: Doorashadii Xubinnimada Golaha Amaanka, Dowladda Somalidu ma u codeeysay Jabuuti?. Haa, waa u codeeysay, walaalkeed Jabuti.
Waxaa la yiri: Dowladda Somalidu ma u hambalyeeysay Kenya? Haa.
Waxaa la yiri: Ma ku khaldan tahay inay u hambalyeeyso Guusha kenya? Maya, kuma khaldano, Sabab?.
Dhinaca diplomacy, waa sax, xatta Jabuti ayaa u hambalyeeynee Kenya. Macnuhu ma ahan in aad ku faraxsan tahay in lagaa guuleystay. Waa sida kooxaha Kubadda Cagta ama Ciyaaraha kale ,ama Doorashada Madaxweynayaasha oo Qofkii laga guuleysto uu u hambalyeeynayo kii ka guuleystay, si isagana Berri loogu hambalyeeyo.
Yaa Jabuuti u codeeyay? Waxaa u codeeyay 62 Dal. waa kuwama?.
Wadamada Reer Galbeedka oo dhami Cod ma siin Jabuti. yurub iyo Waqooyiga America oo dhami waxa ey u codeeyeen Kenya, Xattaa Faransiiska oo ahaa Saaxiib u dhaw Jabuti, waxa uu u codeeyay Kenya.
Wadamadda 5ta ah ee Veto-leh, waxaa Jabuuti u codeeyay Ruushka iyo Shiinaha oo kaliya.
Wadamada Ethiopia iyo Tanzania ayaa Jabuuti u codeeyay, kuwaa oo Kenya Xuduud la leh, loona maleeynayay in ey Kenya u codeynayaan, Laakin ma dhicin oo Jabuuti ayeey u codeeyeen.
Wadamada Jaamacadda Carabta oo dhan, marka laga Reebo Lubnaan waxa ey kuligood u codeeyeen Jabuti.
Wadamada Afrikada Madoow oo ah 55 Dal marka laga reebo inta ku jirto Jaamacada Carabta, Todobo kaliya ayaa u codeeysay Jabuti, halka 48 ey u codeeyeen Kenya. waana halka ey ka heshay kenya Codad badan.
Wadamada Afrikada Madow ee aan ku jirin Jaamacada Carabta ee u codeeyay Jabuuti waa: Burkina faso, Chad, Senegal, Niger, Tanzania, Ethiopia iyo Guinea. inta kale waxa ey u codeeyeen Kenya.
Waxaa kale oo Jabuti u codeeyay wadamo u badan kuwii ka go’ay Burburkii Midawgii Sufyeeti, Iyo wadamo Asia ah oo isagu jiro kuwa Muslimiin u badan iyo kuwo aan Muslim aheeyn. ( (F.S: 1&2aad)
Siyaasi ma ihi, ee Adiga sidee wax kuugu muuqdaan, Kala garo Danaha, walaalnimada , Saaxiibada iyo Siyaasadda.
FG: waad ku mahadsan tahay Arragtidaada Xog Wadaagan Siyaasadeed, Arragtidaadana waan soo dhaweeyneynayaa. Mahadsanid.
Qore: Yahya Amir