Xasan Muudeey:- ”Maqaamka Muqdisho uu leeyahay iyadoon lasameyn matalaad mayeelan karo…”

Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudey ayaa baaq ujeediyay labada gole in aysan isku dayin in bulshada kasoo jeedda Muqdisho aan la duudsiin xuuquda ay u leeyihiin dhismaha matalaadda iyo maqaamka Muqdisho uu yeelanayo.

Xasan Muudeey ayaa bartiisa facbooka kusoo daabacay isagoo lahadlaya labada aqal ee maalinta Isniinta ku ballansan in ay kadoodaadaan matalaadda uu aqalka Sare ku yeelan karaan shacabka Muqdisho, sidaan ayuuna u qornaa:-

“Kulanka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku ballansan yihiin kuna saabsan matalaadda shacabka Muqdisho kasoo jeeda waa muhiim in aysan ku deg degin.

Waxaa la ii xaqiijiyay in Isniinta maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ka doodi doonaan Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, waxaan rabaa inaan uga digo inaysan ku kadsoomin.

Sababta aan sidaas u leeyahay waxay tahay Metelaadda Gobolka Banaadir waxaa ka horeyso in la helo Maqaamkii Gobolka Banaadir,marka Maqaamka la helo ayuu xubno metelo ku yeelan karaa Aqalka Sare iyo golaha dwoladda hoose.

Gobolka Banaadir wuu ka dad badan yahay dadka ku nool Jubbaland, Somaliland iyo Puntland.

Dabcan maamuladaasi markii la xaqiijiyay jiritaanka maqaamkoodii ayay xubno metelaa ku yeesheen labada gole ee baarlsmaanka Dalka.

Si lamid ah sidaasi oo kale Gobolka Banaadir marka la xaqiijiyo Maqaamkiisii ayaa loo dooni karaa ama loo raadin karaa xubnihii ku meteli lahaa Aqalka Sare iyo kuwa aqalka hoose.

Lama aqbali doono sharciyadda jeebabka lagu wadto ee larabo in xeerar sharci darro ugaar ah shacabka Muqdisho la meel marsiiyo.

Waxaan lawadaagaayaa dhamaan labada gole ee baarlamaanka dalka ay ka foojignaadaan in ay sameeyaan dulmi u gaar ah shacabkii Muqdisho ee kaligood canshuur bixiya-yaasha ka ahaa dalka in la duudsiiyo xuquuqdooda.

Hassan Abdulkhader Mudey

Mudey