Madaxda Federaalka Soomaaliya oo isku raacay in la hakiyo howlaha Doorashada ee Baarlamaanku wado lagana wada-tashado.

Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa yeeshay wada hadalkii u horreeyay oo ku qabsoomay dhanka Internet-kas, tan iyo markii uu hakad galay shirarkii u dhaxeeyay.

Shirkan ayaa ka dambeeyay markii todobaad ka hor uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo in Madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay isugu yimaadaan shirka Golaha Amniga Qaranka, inkastoo aanu xilligaas sheegin xilliga iyo goobta uu ka dhacayo.

DG & DFS waxa ayaa isla garteen In howlaha ku saabsan doorashada ee Baarlamaanku wado la joojiyo, Dowlad-goboleedyada & madaxda sare ee Federaalkuna ay ka wada hadlaan dhammaan arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka.

Wadatashiyo ay qeyb ka aheyd Beesha Caalamka ayaa suura gal ka dhigay in Madaxda marka ugu horeysay shir horudhac ah ku yeeshaan qadka isgaarsiinta, kaddibna loo gudbo mid fool ka fool ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in la isku raacay labo qodob oo kala ah in Madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyo shirka soo socda, waqtiga uu dhici doono iyo goobta, iyadoo Madaxweynuhu uu dib ka soo sheegi doono wadatashi kaddib.

Dhanka kale Golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, Xisbiyada Mucaaradka iyo beesha Caalamka ayaan la ogayn waxay ka dhihi doonaan go’aanada ay qaataan Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Faderaalka.