Golaha Shacabka oo dood ka leh Matalaada Gobolka Banaadir iyo Kuraasta Somaliland.

Xarunta Villa Hargeysa oo ay si KMG ah u degen yihiin Golaha Shacabka BFS sabab la xiriirta Dhismaha ku socda Aqalkooda waxay maalintii saddexaad oo xiriir ah ku leeyihiin kulan ka mid ah kalfadhigooda ugu dambeeyo muddo xileedkooda.

Ajandaha kulanka maanta waa ka doodista kuraasta Gobolka Banaadir iyo kuwa Gobolada Waqooyi (Somaliland), kadib markii golaha uu u gudbiyay Guddiga u xilsaaran soo diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 6-dii bishaan xili uu furayay kalfadhiga labada Gole ee BFS wuxuu ka dalbaday in kuraas matalaad ah la siiyo Gobolka Banaadir.

Maalintii xigtay, Muqdisho waxaa ka dhacay dibadbax lagu taageerayay baaqa Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama Gobolka Banaadir uusan lahayn Xildhibaanno ku matala labada Golle ee Baarlamaanka.

Guddiga diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka ayaa maanta Golaha Shacabka la wadaagayo xog uruurin ay sameeyeen iyo tirada kuraas ee loo baaha yahay in la siiyo Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa sida xeerkoodu yahay waxay dhageysi kadib ka doodi doonaan sida ay u arkaan ajandaha iyo talooyinka ay isleeyihiin waa loo baaha yahay in wax laga badalo ama lagu daro.

Dhanka kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka ee matala Somaliland waxay dhaliilsan yihiin sababta looga soo dhex xulay xubnaha kale ee Dowlad Goboleedyada dalka, iyaga oo soo jeediyay in danaha Mudanayaasha loo madax banaaneesiyo iyaga.