Ciidanka xoogga Dalka oo Saraakiil Al-Shabaab ah ku dilay Shabeellada hoose

Marka:-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Saacadihii lasoo dhaafay Laba horjooge oo ka tirsanaa nabad-diidka Al-Shabaab ku dilay Shabeellada hoose markii ay howlgallo baaxad leh ka sameeyeen degaannada Jilib-marka iyo Gendershe.

Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska Dalka G/le, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Labadaasi Sarkaal oo uu Magacyadooda kusoo koobay Xeroow iyo Ciise yare ay Argagixisada u qaabbilsanayeen degaannada Xeebta ah ee Gobolka Shabeellada hoose, ayna ku raadjoogaan horjooge Shucayb Ganeey oo goobta ka baxsaday xilligii ay howl-galladu socdeen.

Howl-galka oo ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidanka kumaandooska xoogga Dalka ee Danab iyo Guutada Gor-gor ayaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab waxay ka saareen degaannada Jilib-marka iyo Gendershe, maaddaama uu qorshuhu ahaa in Argagixisada laga xoreeyo Dhulka Xeebta ah ee u dhexeeya Jasiira iyo Degmada Marko.

Ciidanka kumaandooska xoogga Dalka ee Danab iyo Guutada Gor-gor ayaa haatan waxay wadaan howlgallo baaritaanno ah oo ay ku xaqijinayaan ammaanka degaannada Jilib-marka iyo Gendershe ee Gobolka Shabeelaha hoose.