Taliska CXDS oo sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidamada dhulka ee Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada dowladda in ay ku dileen saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka wuxuu ka dhacay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan tuulada Dug-wariiri, waxaana ay taliska uu sheegay inay ku dileen labo sarkaal 27-dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ujeedka ka dambeysay howlgalka ayaa ah kadib markii hoobiyaal lagu weeraray deegaanka Janaale, kolkii weerarka uu joogsaday Ciidamada Militariga Dowladda ayaa ku dhaqaaqay deegaannada ay ku tuhmayaan in laga soo abaabulay weerarkaas.

Taliye Cabdixamiid wuxuu sheegay inay sii wadayaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu sheegay inay u tageen Gobolka Shabeelaha Hoose, sidaas awgeedna ay ka go’an tahay fulintiisa.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda ee ku sugan Deegaanka Janaaale iyo kuwo kale waxa ay dhowr jeer sheegeen in ay dileen xubno katirsan Al-Shabaab, halka weeraro marar kala duwan lagu qaaday saldhigyadooda.