Qorrax Madoobaad ayaa saakay laga dareemay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Muqdisho:-Qorax Madoobaad ayaa saakay lagu arkay Meelo badan oo ka tirsan Gobolada dalka, iyagoo ay  bilaabeen dadka in ay dukadaan Salaad Alle Barri ah.

Culumada Cilmiga Xiddigaha ayaa shalay waxay saadaaliyeen inuu Qorax madoobaad ka dhici doono dalal ka tirsan Khaliijka, Bariga Afrika iyo Qaaradda Asia, iyadoona saakay la arkay.

Qorraxda ama Dayaxa oo Madow noqdo waa arrin awoodda Rabi ku dhacda, loona baahan yahay inay dadka Muslimiinta ku cibaara qaataan.