Ergayga QM ee Soomaaliya iyo Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hadlay arrimo dhowr ah.

Shir gaar ah oo Muqdisho ku dhexmaray Ergayga Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo madaxda Madasha Xisbiyada qaran waxay kaga wada hadleen xaaladda dalka gaar ahaan doorashada.

Madaxada madasha waxay Danjire Swan la wadaageen walwalka ay ka qabaan qabsoomidda Doorashada, Geedi socodka dalka, caqabadaha hor taagan iyo kaalinta xisbiyada ay ku leeyihiin sidii loo qaban lahaa doorasho aan waqtigeeda dib uga dhicin.

Mas’uuliyiinta Xisbiyada waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaa wehliyay xubno uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali iyo mas’uuliyiin kale.

“Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulan gaar ah la qaatay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Kulanka James Swan iyo MXQ waxaa diiradda lagu saaray doorashada dalka, caqabadaha hor taagan iyo kaalinta Xisbiyada dalku ku leeyihiin sidi loo qaban lahaa doorasho aan waqtigeeda kadib dhicin oo geeddi socodkeeda raalli laga wada yahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madasha.

Dhanka kale Madaxda madasha Xisbiyada Qaran waxay walwal iyo rajo xumo ka muujinayaan qabsoomidda doorashada 2020/2021-ka, inkasta oo madaxda dalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo uu sheegay inay dalka ka dhaceyso doorasho.