Donald Trump “Soomaaliya wax dowlad ah kama jirto, Ilhan Cumar waxay dooneysaa inay mareykanka..”

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka oo khudbad ka jeediyay isu-soo bax lagu taageerayay Ololihiisa Dib-u-doorashada Madaxtinimada Maraykanka, kaas oo ka dhacay magaalladda Tulsa ee Gobalka Oklahoma ayaa ka hadlay arrimo ka mid ah xaalada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa eedeyn kulul wuxuu marka hore u jeediyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo uu sheegya inay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka soo qaxday ee Soomaaliya.

Trump wuxuu Khudbadiisa ku soo hadal-qaaday inay Ilhan Omar doonayso inay galangal badan ku yeelato Dowladda Joe Biden oo ah Murashax Xisbiga Dimuqraadiga ee xilka Madaxtinimada kula tartami doono Trump.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ,isaga oo ka hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah waa sida uu hadalka u dhigay.

“Ilhan Cumar waxay dooneysaa inay mareykanka ka dhigto dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo kale oo aysan ka jirin wax dowlad ah, Boolis kama jiro, nabad kama jirto,balse waxaa kaliya ka jira amar la’aan iyo jahwareer, waxayna noo tilmameysaa halka uu dalkeena u socon lahaa, Waxaan leenahay Maya…Maya” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Dhanka kale Eedeynta uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa waxay qeyb ka tahay khilaafka u dhaxeeyay labada mas’uul oo horay uu uga dhex-jiray dagaal dhinaca Twitter-ka ah.