Degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo laga dareemayaa u diyaar garowga Maalmaha Xoriyadda.

Muqdisho:-Iyadoo maalma qura ay Ka harsantahay munaasabadaha maamalmaha Xoriyadaha ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa u diyaar Garowga munaasabadahaasi Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo Waxaana Ururada bulshada rayidka sida ururka dhalinyarada degmada Luuq iyo ururka Haweenka ay bilaabeen Bilic soocelinta degmada Luuq.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Degmada Luuq feysal Cabdiraxman ayaa u  sheegay warbaahinta qaranka in ay Tahay waajib saaran u diyaar Garowga munaasabadaha maamalmaha Xoriyadaha Kuwaasi oo nagu soo fool leh.