Degaano ka tirsan Soomaaliland oo Ayax fara ba’an ku haya.

Waxaa saacadihii la soo dhaafay Ayax fara badan lagu arkay degaanka Balli-Cabane oo ku yaalla duleedka Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland,kaas khatar weyn ku haya dalagyadii beeraha.

Axmed Cabdilaahi Ibraahim Gudoomiyaha degmada Balli-Cabane ee gobolka Hawd ayaa Warbaahinta u sheegay in Ayaxa uu baabi’yay dalagyo farabadan iyo nabaadkii dhulka ee xooluhu ay cuni lahaayeen.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in badi Ayaxa uu dusha kaga dagay barkadihii biyaha laga cabayay, halkaasi oo ay ka dhalan karto caafimaad daro soo wajahada dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo hay’adaha ku shaqada leh uu ka socdsaday inay la soo gaaraan waxyaabihii lagula dagaalamayey Ayaxa si loo badbadiyo dalaga iyo daaqa xoolaha ee daagaankaasi.